
Hodantinimada Afka Soomaaliyeed – Saadiq Enow
Qowmiyad waliba afka ay ku hadasho wuxuu udub-dhexaad u yahay jiritaanka ummad ahaanteeda iyo is-haysashada bulshadeeda. Wuxuu xiriiriyaa xubnaha dadkeeda, iyada oo isla-markaas u keydiya sooyaalka iyo hiddaha ay is-dhaxalsiiso. Wuxuu u sahlaa in ay facaha yar-yar wax ku baraan uguna gudbiyaan wixii khibrad ah oo nolosha ay ka dhaxleen. Afku wuxuu raad muuqda ku leeyahay aqoonta fikradaha la curiyo, sidaa darteed aqoonta afafka waxaa xiiso gaar ah siiyay xikmad-yahannada, suugaan-yahannada, aqoon-yahannada iyo takhaatiirta cilmu-nafsiga. Dhamaantood waxay isku raacsan yihiin, ilmaha afkooda sida wanaagsan ugu hadli kara in ay yihiin kuwo si wanaagsan ku gudbin kara fikradohooda, isla-markaas awood u leh in fikradahaas ay u gudbiyaan waaqica nololeed.
Af-soomaaligu wuxuu kamid yahay afafka ugu hodansan dunida. Wuxuu hodan ku yahay naxwihiisa oo wuxuu leeyahay qaababka ugu badan oo jumlad macna leh lagu dhisi karo. Wuxuu hodan ku yahay suugaantiisa oo wuxuu leeyahay noocyo badan oo loo tiriyo tixo-suugaaneedkiisa. Wuxuu hodan ku yahay shaqalladiisa oo af-soomaaligu wuxuu leeyahay 20 shaqal. Wuxuu kaloo hodan ku yahay ereyada u keydsan, taas oo uu ka dhaxlay shanta dhaqan oo ay ku dhisan tahay aadamiga noloshiisa. In-kasta oo aanan weli si quman leysugu deyin ururinta ereyada af-soomaaliga, misana waxaa hubaal ah tira-koobka ereyada ee af-soomaaligu in ay ka badan yihiin wadar-ahaan ereyda af-ingiriiska (600,000 oo erey) iyo ereyada afka Fransiiska (150,000). Bal wuxuu ku dhowaanayaa ereyada af-carabiga oo lagu qiyaaso 12 melyan oo erey.
Iyada oo tirada dadkiisu ay yar-yihiin, hodantooyadaas wejiyada badan ku imanaysa, af-soomaaligu wuxuu ka dhaxlay fursadda degaanka uu ka curtey iyo dadka u nasabad sheegta oo lagu cawryo in ay yihiin dad leh hal-abuur. Degaanka uu af-soomaaligu ka unkamay wuxuu kulansadey dhaqan xoolo-dhaqato, dhaqan beeralay, dhaqan kalluumeysato, dhaqan ganacsato iyo dhaqan ugaarsato. Sidaa darteed wuxuu la fal-galay wejiyadii kala duwanaa oo nolosha looga adeeganayay. Isaga oo ah af faxan, ayuu misana wuxuu ku absaxan yahay afarat af ee kale oo qowmiyadaha Kuushiitigga ay ku hadlaan. Waxaa la ogsoon yahay afka Kuushiitigga in uu kamid yahay dhowrka af oo ugu da’-da wayn dunida. Sidaas ayuu af-soomaaligu wuxuu kaga-mid noqonayaa afafka ugu filka wayn dunida. Absaxanka Af-soomaaliga waa haybta laysku yiraahdo Afro-Asiyaatik. Dabadeed wuxuu ka yahay afafka Nilo-Saxara. Markaas ayuu noqonayaa afka reerka Kuushiitigga. Wuxuu u sii dhaadhacayaa afka kuushiitigga-bari.
In-kasta oo awoowayaashii soomaaliyeed ay ku fara-adeygeen qurxinta, naqshadeynta iyo dhowrista hiddihii ay ka dhaxleen facihii ka horeeyey, misana af-soomaaliga waxaa nabar ku noqdey qoraal-la’aanta. Qarniyo badan oo uu soo jiray, in-yar ayaa ku baraarugtey in af-soomaaliga uu helo dhigaal loo adeegsado. Waxaa halkaas inooga lumey hanti qiimi badan oo taariikh iyo suugaan ah, kuwaas oo haddii ay jiri lahayd alif-ba’ dhigan oo af-soomaali ah, afkayagu wuxuu kamid noqon lahaa hanti aadanaha dhamaantiis ka faa’iideysto.
Ragga tirada yar oo isku-deyey in ay af-soomaaliga qoraan, dhamaantood waxay ahaayeen wadaaddo. Sidaa darteed dhigaalkooda waxay u adeegsan jireen abjadiyadda af-carabiga. In-kasta oo lagu soo moodey oo muddo qarniyo ah la adeegsanayay, misana alif-ba’da abjadiyadda ma noqon mid buuxisa shaqallada badan oo af-soomaaligu u baahan yahay. Waayo af-carabigu waxaa u qoran lix shaqal oo keliya.
Sanadkii 1920-kii ayaa Cismaan Yuusuf Keenadiid uu markii ugu horeysey in uu hindiso alif-ba’ loo adeegsado af-soomaaliga. Dadaal qofeed ayuu muujiyay markii uu isku-deyey in uu af-soomaaliga u xardho shaqallo iyo shibanayaal ku munaasib ah af-soomaaliga. Xilli waxay ahayd ay adag-tahay in nin dhallinyaro ah uu hindisahaas helo, isla-markaas uu la yimaado dadaal uu ku xaqiijiyo arinkaas. Dhigaalkaasi wuxuu noqdey abuurkii uu ka baxay geedka taariikhda soomaali ay ku yeelatay dhigaal ay isku raacsan tahay noloshan casriga ah ay aadanaha wax kula qaybsato. Mahad haka gaadho Cismaan Yuusuf iyo dhallinyaradii raacdey tubtiisa ee halganka dhigaalkan si wada-jir ah uga lib-keeney.
Dadka kale ninkiisa wax-tara waa tix-geliyaaye
Idinkuna caqliga taa’ibka ah waad ku tumataane
Tar-tar baad ku dhaaftaan ninkii toos idiin wada’e
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiqm1000@gmail.com