
Maalintayda Dhalashada ee Beenta ah (On My Fake Birthday) / Shuayb Nuri
December 17 waa maalintaan dhashay! (sida ku qoran baasaboorkayga, inkastoo aanan dhabtii garanayn maalinta aan dhashay, kkk). Dad badan oo Soomaaliyeed ma garanayaan maalmaha dhabta ah ee ay dhasheen sababo la xiriira muddo dheer oo dalku dawlad la’aan ahaa, waxaana intooda badan qortaan 1da Janaayo inay tahay maalinta dhalashadooda.
Si kastaba ha ahaatee, maalintaan dhalashada beenta ah, waxaan dib u milicsaday waayaha shantii sano ee la soo dhaafay, waxaanan isweydiiyay: maxaa casharro ah oo aan ka baran karaa waayahaas?
Ka dib feker badan, waxaan fahmay labo cashar oo muhiim ah:
Casharka 1aad: Waligaa ha ka welwelin maal ama hanti
Maalka iyo hantida had iyo jeer gadaal bay ka yimaadaan, sida nolosha na bartay. Haddii aadan hadda wax haysan, maalin aad wax haysato ayaa kusoo mari doonta. Waa xaqiiqo!
Walwala ama ha walwalin, Ooy ama Ha ooyn! haddii aadan hadda wax haysan ama xaalad adag ku sugan tahay, Allah waa kaa saarin doonaa, waxbuu buu kusiin doonaa. Waa imtixaan, waana sida Allah u eegayo sidaad xaaladahaas ula tacaasho. Allah wuxuu nagu imtixaamaa duruufaha kala duwan ee nolosha, sida hanti iyo hanti la’aan. Marka, hantida inta ay doonto ha yaraato ama ha badato, hadhow dib ayaad u heli doontaa. Qofna waligiis wax la’aan kuma sugnaado!
Marka Tartiibso, wixii Ilaahay ku qoray waad helaysaa, hadaa ducaysatona ka badan baad helaysaa! Balse muhiimaddu waxa weeye in fikirkaaga oo dhami uusan noqon “lacagay lacag, maalay maal”, balse aad waqti siiso waxyaabo kale oo maalka kasii muhiimsan!
Casharka 2aad: Labo shay oo haddii ku dhaafaan, dib kuu soo noqon maayaan: Waqtiga iyo Cibaadada
Waqtiga iyo cibaadada Allah ee ku dhaaftay dib kuu soo noqon maayaan, sida shantan sano ee aniga i dhaaftay oo kale. Dhalinyaranimada waa hibo qaali ah, waana waqti uu Allah ku siiyay awood iyo fursad aad ugu maalgeliso camallo abaal joogto ah kuu horseeda nolosha adduunka iyo tan Aakhiro.
Isku soo duub, maalka waa wax aan loo baahnayn in laga welwelo—haddii aadan hadda haysan, waad heli doontaa. Laakiin waqtiga marka uu baxo, mar dambe lama soo celin karo.
Marka, diiradda saar cibaadada Allah iyo ilaalinta waqtigaaga. Inta aad dhalinyaro tahay, cibaadada Allah si fiican u ilaali, waayo waa xilli aad cibaado badan samayn karto oo aad dabeecado wanaagsan oo joogto ah ku dhisan karto. Ka fogow dembiyada! Ogow in dhalinyaranimadu tahay waqtiga ugu dembiyada badan. Dhalinyaranimadu waa seef labo af leh—waad badsan kartaa cibaadada, ama waad badsan kartaa dembiyada. Go’aanka adigaa leh!
Cibaadadu kaliya maaha camal la samaynayo, balse waxay sidoo kale ka kooban tahay ka fogaanshaha xumaanta iyo dembiyada:
- Xumaanta iyo dembiyada iska ilaali—ha ahaato mid qalbiga, gacmaha, carabka, lugaha, ama indhaha ah ama xubnaha taranka.
- Shanta salaadooda ku tuko masjidka; salaad waajib ah guriga kuma ansaxdo haddii aadan cudurdaar haysan.
- Salaadaha sunada ah tuko; Allah wuxuu qof ku jeclaanayaa camallada sunada ah (aan waajibka ahayn) oo aad badisid adoo raadinaya raali ahaanshihiisa.
- Zakada iyo sadaqada bixi; mushaharkaaga 2.5% ama wax ka yar u bixi Allah dartii haddii aad awoodo.
- Soomidda bisha Ramadaan iyo maalmaha sunada ah – iyanna joogtee oo ku dadaal
- Quraanka joogto ugu akhri, ugu yaraan hal bog maalintii.
- Dikriga Allah maalin kasta samee—baro sida faraha loogu tirsado dikriga si aad markasta u sameyso! Haddii aad tusbax ku tiirsato, kaliya waxaad wax samaynaysaa marka aad hayso tusbaxa!
- Soo cumrayso oo soo xaji haddii aad awoodid.
- Xiriirka wanaaji – Waalidka u roonow, xiriirka qaraabada ilaali, oo dadka muslimiinta ah daryeel.
- Yaysan kula waynaan cibaadadaadu oo ha isu bogin – Wax kasta oo cibaado ah oo aad samayso, ha isku weyneyn oo ha isku malaynin inaad tahay qof daahira ah oo xumaan ka madax bannaan!
Aasaaska arrimahaas kore waa inaad diinta fahanto oo cibaadada si sax ah u samayso.
Ha noqonin Muslim dhaqameed oo diinta ka dhaxlay waalidkiis ama qaraabadiis isagoo aan si dhab ah u baran. Dad badan oo tukada salaad, sooma, ama bixiya zakada waxaa laga yaabaa inay si khaldan u sameeyaan sababtoo ah ma aysan baran diinta. Qaar kale waxay ku tiirsan yihiin wixii ay barteen 10 sano kahor oo xasuustooda is dhex yaacay.
Ugu yaraan lixdii biloodba mar dib u akhri oo muraajicee casharrada diinta. Waxaa dhici karta inaad xaraf Carabi ah si qalad ah u xifdisay oo 10kii sano ee ugu dambeeyay si qaldan ugu akhrinaysay, taasna ay cibaadadaadii ka khasaarinayso!
Ugu dambayn, waxaan idiin rajaynayaa kheyr. Waqtiga iyo cibaadada ku dhaafay inta aad dhalinyaro tahay dib kuugu soo noqon maayaan. Xumaanta aad yaraantaada barato way adkaan doontaa inaad waynaantaada iska dayso. Cibaadada si khaldan loo sameeyo dib looma saxin karo. Marka, diinta baro, Allah caabud, xumaanta iska ilaali, hanti iyo jacayl gadaal bay ka imaan doontaa hadaadan hadda haynin!
———
December 17 marks the day I was born (as per my passport, though I don’t actually know my birthdate, haha). Most Somalis do not know their exact birthdays due to the long period of statelessness, and many have January 1st listed as their birthday.
Anyway, on this fake birthday, I reflected on my past five years and thought about those experiences, asking myself: what lessons can I learn from that time?
After much thought, I realized two key lessons:
Lesson 1: Never worry about wealth or possessions
Wealth and possessions will always come later, as life teaches us. If you don’t have anything now, a day will come when you do. It’s a fact!
Worry or don’t worry, cry or don’t cry—if you don’t have anything now or are in a tough situation, Allah will remove you from it and provide for you. It’s a test, as Allah observes how you handle these challenges. Allah tests us with various circumstances in life, such as abundance versus lack. So no matter how much wealth you desire, you will find it again later. No one remains without anything forever.
Lesson 2: Two things, once gone, will never return: Time and Worship
Time and worship of Allah that pass by will never return, just like the five years that have passed in my own life. Youth is a precious blessing, a time when Allah gives you strength and opportunities to invest in good deeds that bring lasting rewards in both this life and the Hereafter.
In summary, wealth is not something to stress about—if you don’t have it now, you will get it later. But when time is gone, it can never be brought back.
So, focus on worshiping Allah and valuing your time. In your youth, preserve Allah’s worship, as this is the period when you can perform abundant acts of worship and establish good habits. Avoid sins! Remember that youth is the time most prone to sinning. Youth is like a double-edged sword—you can either increase your worship or multiply your sins. The choice is yours!
Worship is not just about performing rituals but also about avoiding evil deeds and sins:
- Stay away from evil and sins—whether of the heart, hands, tongue, feet, or eyes.
- Pray the five daily prayers in the mosque; obligatory prayers are not valid at home unless you have a valid excuse.
- Pray the Sunnah (non-obligatory) prayers, as Allah loves voluntary deeds performed to seek His pleasure.
- Give Zakat and charity; dedicate 2.5% or even less of your income for Allah’s sake if you are able.
- Fast during Ramadan and on voluntary days.
- Regularly recite the Qur’an, at least one page a day.
- Maintain daily remembrance of Allah (Dhikr). Learn to count Dhikr on your fingers so you can do it at any time—if you rely on prayer beads, you’ll only make Dhikr when you have them!
- Perform Umrah and Hajj if you have the means.
- Be kind to your parents, maintain ties with relatives, and care for fellow Muslims.
- Whatever acts of worship you perform, don’t let them make you arrogant or self-satisfied. Never think you are flawless or immune to evil.
The foundation of all these acts is understanding your faith and performing worship correctly.
Don’t just be a cultural Muslim who inherited their religion from their parents or relatives without truly learning it. Many people pray, fast, or give Zakat but might do so incorrectly because they never studied their faith. Others may rely on what they learned 10 years ago, which has become muddled in their memory.
At least every six months, review and refresh your knowledge of the religion. It’s possible that you’ve been mispronouncing an Arabic letter for the past 10 years, rendering your recitation incorrect, and your worship might go to waste.
In conclusion, I wish you all the best. Time and worship lost in youth will never return. Evil habits learned in youth are hard to unlearn in adulthood. Worship performed incorrectly cannot be undone. So, learn your religion, worship Allah, avoid evil, and remember—wealth will come later!